sheekada ninkan ayaa soo jiidatay in badan oo ka mid ah bulshada caalamka. 24 sanno ka hor ayaa nadiifye diyaaradeed looga shaqaalaysiiyay shirkadda air asman ee dalka nigeria.

mohamed abubakar maanta waxa uu duuliye ka yahay diyaaradda uu 24 ka hor nadiifiyaha ka ahaa, isago sheegay in aanu filayn in arintani ay waligeed dhici doonto.

shirkadda azman ee uu nikani u shaqeeyo ayuu fadhigeedu yahay magaalada kano ee dalka nigeria. waxayna ka shaqaysaa duuliaadyad gudaha ee dalakn ku yaala galbeedka qaaraadda afrika.

go’aanka iyo shaqada adag ee uu la yimi ninkani ayaa keenay in uu helo alifka afraad ama derejada ugu danbeysa si uu u noqdo kabtan buuxa. waxayna sheekadiisu ku faaftay baraha bulshada. kadib markii mid ka mid ah saaxibadii uu barta twitterka soo galiyay sawirada ninkan, oo u kusoo lifaaqay sheeko gaaban oo ka hadlaysa.

mohamed abubakar oo sheekadiisa k sheekaynaya ayaa xusay in markii uu dhameeyay dugsiga sare uu bilaabay in uu nadiifiye ka noqdo diyaaradda shirkadda azman. isagoo markii danbe bilaabay in shaqooyin kale oo isla shirkadda ah uga dalaco nadiifiyenimada, taasina ay ugu danbytii u horseeday in uu wax badan ka ogaado farsamada duuliyenimada.

mr abubakar wuxuu intaa ku daray in aanu rumaysan karin mushaharka ugu horeeya ee uu shikadda ka qaatay. waxa uu qaadan jiray bishii n17K oo ah lacagta nairada ee dalka nigeria, una dhiganta 47$ balse waxa uu maanta qaadanaya n170k una dhiganta $470.

24 sanno kadib markii uu xaqiijiyay riyadiisii, ninkani wxuu sheegayaa in ay mararka qaar ku adkaan jirtay in uu safarka guushiisa siiw wado, isagoo marar badan ku fikiray in uu joojiyo. balse maanta wuxuu ku naalonayaa dedaalkii badnaa ee ka baxay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga