Doorahsadii madaxtinimda ee todobaadkii hore ka dhacday dalka koongo ayaa natiijadeeda dib loo dhigay, iyadoo lagu waday in maanta oo axada lagu dhawaaqo natiijada doorashada.

Madaxa gudida doorashooyinka ayaa xusay in wax ka yar kala-badh ay soo gadheen tirintii codadku, taas oo meesha ka saaraysa in natiijada oo dhamaystiran la helo axada maanta.

Afhayeen u hadlay komishanka doorashooyinka ayaa sheegay in faahfaahin la xidhiidha dib-u-dhaca doorashada uu maanta komishanku bixin doono.

Kor-meerayaasha doorashada madaxtinimada ee dalka koongo iyo dadka dusha kala socday ayaa maalintii khamiista hoosta-ka-xariiqay in lawada ogyahay murashaxa doorashada ku guulaystay.

Isbahaysiga talada dalka koongo haya ayaa ka cadhooday faallada dadka indha-indheeyayaasha ah, iyagoo ku eedeeyay in ay abuurayaan xiisado.

Gudida doorashooyinka ayaa balanqaaday in natiijada ay si cad u shaacin doonaan, si looga fogaado xasiloonidarro siyaasadeed.

Madaxweyne kapila ayaa lagu eedeeyay in uu dabada ka riixayo murashax uu wato, isla markaan auu damacsanyahay in uu dalka ka maamulo daaha-dabadiisa, balse waraysi uu hore u siiyay bbc-da ayuu kapila ku sheegay in aanu wax faragalin ah ku  lahayn doorashadan madaxtinimada.

Kapila ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in aanu u tartamayn doorashadan madaxtinimda ee qabsoontay, wuxuuna sidaa kusoo afjaray 17 sanno oo uu ku fadhiyay kursiga ugu sareeya dalkan ku yaala badhtyamaha qaarada aftrika ee koongo. Waxay noqondoontaa markii ugu horaysay ee laba madaxweyne ay si nabad ah talada iskugu wareejiyaan tan iyo markii ay koongo xornimada ka qaadatay dalka Belgium sanadku markuu ahaa 1960.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga