Doorashada Baarlamanka Gobalka Bayern ee Dalka Jarmalka waxa lagu kala guulaystay codad Xisbiyada qaar la kulmeen guul-daro taariikhi ah, halka Xisbiyada qaarna gaadheen guulo aanay Gobalka hore uga soo hooyin.

Xisbiga CSU oo ah Xisbiga ugu aqlabiyada badan Gobalka Bayern waxa uu la kulmay guuldaradii abid ugu xumayd taariikhda Gobalka isaga oo khasaaray Codad dhan 12% taas oo uu keenay 35.5% codadka la dhiibtay, halka uu shan sano ka hor doorashadii tan ka horaysay helay 47.7 % Codadkii la dhiibtay.

Xisbiga Midigta fog ee AFD oo isna markii ugu horaysay ka qayb galay doorashada gobalka Bayrn isla markaana ku ololaleeya nacayb ka Muhaajiriinta iyo Muslimiinta Jarmalka degen ayaa helay codad dhan 11%, taasi oo ka dhigaysa inuu gobalka ka gaadhay guul taariikhi ah,

dhanka kale Xisbiga GrĂ¼ne oo u olaleeya arimaha deegaanka ayaa isna markii ugu horaysay guul taariikhi ah ka gaadhay Doorashada waxana uu helay 19% codadkii la dhiibtay taasi oo ka dhigaysa Xisbiga labaad ee ugu aqlabiyada badan Baarlamanka gobalka Bayern.

Xisbiga CSU ayaa ku qasban inuu Xulufo la noqdo Xisbiyada qaar si uu u soo dhiso golaha Xukuumada Heer gobal maadaama oo uu lumiyey Codkii aqlabiyada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga