Quuta Waxa Ay Ku Talaa Bariga Magaalada Dimishiq, Waxaana Ku Nool Dad Lagu Qiyaasay 400,000 Oo Ruux. Ka Hor Waxa Ku Noolaa Dad Gaadhaya 1.5 Milyan, Laakiin Waxa Ay Ka Carareen Dagaalada Iyo Duqaymaha Dawladda Suuriya Iyo Ruushka. Ay ka Wadaan Degaanada Beriga Quuta.

Sannadkii 2013 Ayaa Dawladda Suuriya Ayaa Go’Doomisay Magaalada Quuta Waxaana Ay Duqaymaheedii ugu horeeyay Ku Abbaartay Goobaha Ay Ku Sugan Yihiin Mucaaradka Hubaysani.

Haddaba Maxay Dawlada Suuriya Iyo Ruushku Ay U Beegsanayaan Bariga Quuta ?

Deegaankan Waxa Uu Dhaw Madaarka Magaalada Dimishiq Ee Caasimadda Dalka Suuriya, Waxa Kale Oo U Dhaw Saldhigyo Milatari Iyo Madaarro Milatari Oo Ay Leedahay Dawladda Suuriya.

Dawladda Suuriyana Waxa Ay Deegaankan Sida Ba’an Ugu Duqaynaysaa Waa Inay Ilaaliso Madaradan iyo Goobahan Milatari Ee Muhiimadda Gaarka Ah U Leh.

Intii Ay Magaaladani Ku Jirtay Go’doonka Ayaa Waxa Dawladda Suuriya , Eeraan Iyo Ruushku Ay Ku Qaadeen Duqaymo aad U Fara Badan Oo Galaaftay Nafo Badan. Laga Soo Bilaabo Sannadkii 2013 Waxa Ay Magaaladani La Kulantay Duqaymo Iyo Xasuuq Ka Dhan Ah Binu Aadminimada. Waxaa Ka Dhacay Duqayn Loo Adeegsaday Hubka Kiimikada, Waxaana Ku Dhintay In Ka Badan 1300 Oo Qof, Dhammaantoodna Waxa Ay Ahaayeen Shacab.

Magaalada Quuta Markii Ay Ka Baxday Gacanta Dawladda, Waxaa Gacanta ku Dhigay Laba Jabhadood Oo Kala Ah : Jaysh Al Islaam Iyo Faylaqu Arraxmaan, Waxaaa Jira Jabhad Yar Oo La Yidhaahdo Hay’ada Taxriir Al Shaam, Taasi Oo iyaduna Ka Tallisa Qaybo Ka Tirsan Maagaalada.

Maalmihii U Danbeeyay Magaaladan Waxaa Ka Dhacay Duqaymo Ay Wadaan Ciidamada Bashaar Al Assad, Dawlada Ruusha Iyo Iraan, Duqaymahan Oo Socday Laba Todobaad Waxaa Ku Dhintay Ku Dhawaad 700 Oo Ruux, Kuwaasi Oo U Badan Dad Rayid Ah, Jabhadaha Iyo Dawladda Ayaan Midna U aaba Yeelaynin Dadka Shacabka Ah.

Xasuuqan Waxaa Cambaareeyay Beesha Caalamka, Waxaana Dhinacyada Dagaalamaya Loogu Baaqay Inay Joojiyaan Dagaalka Si Dadka Loo Gaadhsiiyo Gargaar Caafimaad Iyo Cunto.

Sidoo kale Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Ayaa Ku Baaqay In Dagaalka La Jooojiyo Muddo Soddon Maalmood Ah , Si Dadka Shacabka Loo Gaadhsiiyo Gargaar, Balse Wali Lama Helin Xabbad Joojin Dhab Ah, Dagaalkiina Waa Socdaa,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga