Dawladda shiinaha ayaa wali wada qorshaha ay boodhka kaga jafayso qorshaha ballaadhan ee loo yaqaano “suunka iyo wadada” oo uu shiinuhu sameeyay sanadkii 2013-kii, looguna tala galay in qorshaha laga midho dhaliyo illaa sanadka 2049-ka.

Qorshaha waxa saxeexay 152 dawladood, iyo hay’addo kale oo caalami ah, kana jira yurub, asia, bariga dhexe, afrika iyo koonfurta ameerika.

Tan iyo intii la sameeyay waxa mashaariic la xidhiidha lagu maalgaliyay $90bn, kuwaas oo ay ku jirto dayn tiro badan oo wadmada qaatay ay ku daba dheeraanayso.

152 waddan ayuu soo jiitay qorshahani, iyadoo bishii marchna uu ku biiray dalka talyaanigu, isagoo noqonaya wadanka ugu dhaqaalaha badan ee qaarada yurub kagasoo biiray barnaamijkan.

Todobaadkan ayuu shiinuhu martigaliyay shirweyne ay kasoo qayb galeen madax badani, kaas oo lagaga hadlayay horumarinta qorshahan.

Madaxweynaha shiinaha ayaa xusay in si wada jira looga faa’iidi doono qorshahan.

Intii lagu gudo jiray shirweynaha, wuxuu sheegay in lakala saxeexday heshiisyo ku kacaya $64bn, balse muu bixin tafaaasiil ku aadan cida kala saxeexatay.

Baaxadda shirweynaha labaad ee qorshahan, kaas oo lagu faaqiday waxa walba, ha ahaato siyaasadaha deegaanka, musuqmaasuqa, iyo daymaha shiinaha e’ ayaa muujiinaya dedaalada uu shiinuhu ugu jiro in uu badalo sawirka laga haysto barnaamijkan.

Marka laga tago boqolaalka heshiis ee la kala saxeexday, sawirdda ay ka muuqdeen madaxda bdani, iyo balanqaadayda maalgashiga iyo gnacsiga, madaxweynaha shiinuhu wuxuu carabka ku adkeeyay in shiiinuhu uu rabo daah-furnaan, iyo dhismaha adeegyo bulsho oo tayo leh, waara, isla markaana kharash macquul ah ku kaca.

Inkasta oo ay jiraan balanqaadayda shiimnhu, hadana wax sii kordhaya walaaca laga qabo siyaasadaha shiinaha ee dhaqaalaha, oo dadaka dhaaliilaa ay ku sheegaan in mustaqbalka aanay anfici dooniin wadamda kale.

Tusaale ahaan, qaarada afrika, shiinuhu wuxuu ku maalgalinyaa balaayiin doolar, isagooo dawladaha amaahinya daymo ay adagtahay in wadamd qaarkood ay sidii la rbaay iskaga celiyaan, taas oo dadaka siyaasadaha shiinaha dhaliillaa ay ku macneeyeen in ay ka danbeeyaan siyaasado qarsoon oo ay wadato xukuuumadda bejin.

Shi ni pin, madaxweynaha shiinaha ayaa mar kale ku celiyay balqnqaadyo hor leh, isagooo isku dayaya in uu meesha ka saaro aragtida ah, in qorshahani uu shiinaha u saamxayo in uu balaadhiyo saamaynta uu ku leeyahay dunida, isla markaana ka faa;iido dhaqaaale badan.

Si kastab ha ahaatee, barnaamijkan loogu magacdaray suunka iyo wadada aya u muuqda mid sanado badan sii jiri doona, heshiisyadiisuna ay wakhti dheer qaadan doonaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga