Hogaamiyayaasha midawga yurub ayaa ku guul daraystay in ay ku heshiiyaan cidda qabnaysa jagooyinka ugu sareeya ee midawga, iyadoo madaxda imikuna ay xafiisyada banayn doonaan, kadib doorashooyinkii dhawaan ka dhacay qaaradda.

Magaalada barasalis ayay ka socdaan kulamo ay dawladuhu ku samaysanayaan isbahaysi, si ay u qabtaan jagooyinka ugu sareeya midawga. Maadaama doorashadan ay kuraas badan heleeen xisbiyo aan la filayn, oo qayb ahaan mustaqabalka bedeli kara dheelitirnaantii lagu yaqaanay baarlamaanka midawga yurub.

Habeenimadii xalay ahayd ayay hogaamiyayaasha midawga yurub iskugu yimaadeen kulan aan caadi ahayn oo albaabadu ay u xidhnaayen, si ay uga doodaan arimaha taagan. Balse wax atiijo ah kamay gaadhin.

Raysalwasaraha jarmalka angela marekl, iyo madaxweynaha faransiiska ayaa isku fahmi waayay cida qaban doonta jagadda ugu saraysa midawga.

Mrs markel ayaa taageeraysa ninka lagu magacaabo manfred weber, oo jarmal ah. Halka macron-na aanu la dhacsanayn siyaasigan, oo wuxuu taageerayaa murashaxiinta kale.

Qodobada ugu horeeya ee imika horyaala baarlamanka cusub ee midawga yurub ayaa ah, inn ay soo doortaan madaxa golaha midawga yurub, iyo qaybta fulinta oo masuul ka ah sharci-soo-jeedinta, iyo hanaanka loo bixinayo deeqaha iyo lacagaha.

Murasahxiinta jagoouinka ugu sareeeya qabanaya waxa soo magacaabaya dawladaha, waxaana u codayn doona dawladaha. Balse arinta sanadkan walaaca keentay ayaa ah, in kuraas badan ay lumiyeen xisbiyadii haystay aqlabiyaaddda baarlamaanka, taasina ay cabsi ku abuurayso xukuumadaha qaaraadda oo badi kasoo jeeda xisbiyada aqlabiyadda haystay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga