Xarumaha ganacsi ee ku yaalla caasimadda Muqdisho ayaa dhaqan-geliyay amar ka soo baxay ururka al-Shabaab oo la xiriira inan la adeegsan kaamirooyinka qarsoon ee CCTV-yada,gaar ahaanna kuwa bannaanka goobaha ganacsiga lagu xiro,sida laga soo xigtay qaar ka mid ah ganacsatada oo diidday in magacyadooda iyo muuqaalkooda la adeegsado.
Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV-yada ayaa gacan ka geysta nabadgalyada goobaha ganacsiga,iyadoo dib tixraac loogu sameyn karo dhacdooyinka ka dhaca goobaha ganacsi,balse ganacsatada waxay ku tilmaameen fulinta amarkan baqdin ku aaddan nafsadooda,inkasta oo ay carabka ku adkeeyeen in ay kalsooni ku qabaan dowladda, haddana ay ka fursan waayeen talaabadaasi.
Goobaha laga furay kaamiro CCTV-yada ee amarkaasi fuliyay ayaa u badan hoteello,bangiyo iyo mehradaha loo dukaameysi tago,iyadoo baaritaan lagu ogaaday sidoo kale kaamirooyinka in laga furay goobaha inta badan la isugu yimaaddo.
Muddo labo sanno ah ayay ku qaadatay al-Shabaab amarkaan hirgalkiisa, sida uu sheegay Xuseen Macalin Maxamuud oo madax ka ah machadka arrimaha amniga ka faalooda ee Hiraal.
“Al-Shabaab amaro qarsoon oo aysan dowladdu ogeyn ayay ka fulisaa Muqdisho, waxayna beegsataa dadka ay u aragto in ay qaadanayaan”. ayuu u sheegay Xuseen Macalin telefishinka maxalliga ah ee Universal.
“Dowladda waxaa u furan in ay talaabo qaado, kaliya ma ahan talaabo qaadis waa in ay la socotaa awood fulineed iyo in ay abuurto jawi aysan dadka uga baqayn al-Shabaab”. ayuu ku daray Xuseen Macalin Maxamuud oo sidoo kale horey usoo noqday la-taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo.
Hay’adaha amniga dowladda oo la isku dayey in wax laga waydiiyo arrintaan ayaa garabka ku dhuftay inkasta oo ay ku adkeysteen in ay baarayaan xaqiiqada warkaan, balse mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa horey u qiray in amarrada al-Shabaab ay ka fulaan Muqdisho oo ay ka mid tahay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida inay ka qaado qaar ka mid ah ganacsatada Muqdisho lacago laagu yeero ‘Zakawaad’.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga