Dhakhaatiirta dalka sudan ayaa ku biiray dibadbaxyada isdaba jooga ah ee maalintiij lixaad ay wadaan shacabka dalka sudan, mudaharaadad ayaa ku fidaya magaalooyin hor leh iyadoo tirada khasaaruhuna oo kor usii kacayo.

ilaa 10 qof ayaa ku dhintay rabshadaha tan iyo markii ay bilaabmeen maalintii arbacada, balse kooxaha mucaaridka ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay kor u dhaafayso 22 qof.

dadka ayaa ka cabanaya sicirka roodhida oo ay dawladdu qaaliyaysay, taas oo markii hore ay ku heli jireen 1pound oo ah lacagta sudan imikana la qaadayo 3 pound oo dhiganta $0.06. dadka ayaa sidoo kale ka cabanaya shidaalka iyo maciishado kale oo qaaliyoobay.

dadka ayaa taayiyiro ku gubaya wadooyinka, iyagoo mararka qaar dhagxan ku weeraraya dhismayaasha dawladda.
ciidamada ammanka ayaa isku dayaya inay xoog ukala diraan dadka, iyagoo u adeegsanya sunta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas nool.

dhanka kale, ciidamada ayaa boqolaal qof oo ka mudaharaadayay magaalada caasimadda ah ee khartuum u adeeegsaday sunta dadka ka ilmaysiisa, kadib markii ay dadku xidheen waddo muhiima oo ku taala badhtamaha magaalada.

dadka ayyaan imika ka cabanayn arimah dhaqaalaha oo kaliya balse waxa lagusoo waramayaa inay doonayaan isbedel ka dhaca dalka sudan.

mudaharaadad ayaa isku bedalaya kuwo dawladda ka dhan ah, iyagoo dadku dalbanaya in madaxweyne cumar xaasan albashiir uu xafiiska baneeyo.

madaxweyne albashiir, oo ah madaxweynihiii 8-dad ee uu yeesho dalkan ku yaala waqooyibari qaarada afrika ayaa shacabka dalka sudan soo maamulayay tan iyo sanadkii 1989-kii.

cumar xasan albashiir ayaa saddex jeer ku guulaystay doorashada maaxtinimada ee dalka sudan, isagoo sanadkii 2009-kii noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee isagoo kursiga ku fadhiya ay maxkamadda danbiyada dagaalka ee icc dacwad kusoo oogto, iyadoo loosoo jeediyay eedaymo ah inuu ka danbeeyay dilka shacab badan oo ku dhaqnaa gobolka daafuur.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga