Milatariga talada haya ee dalka sudan ayaa dhamaan qaadacay heshiisyadii uu la galay isbahaysiga mucaaridka. isagoo si degdeg ah u go’aansaday doorasho xiligeeda lagasoo hor mariyo oo lagu qaban doono muddo sagaal bilood ah.

warkan oo uu shegaay gen abdulfatah alburhan, oo imika hogaaminaya dawladda milatarigu ay gacanta ku hayaan. ayaa imanaya laba maalmood kadib markii ay milatariga dalka sudan bilaabeen rasaas nool oo ay ku kala eryayaan dadka mudaharaadaya.

dibadbaxayaasha ayaa sheegay in ugu yaraan 35 qof lagu dilay hawlgalka milatariga, halka boqolaal kalana lagu dhaawacay.

miltariga talada haya ayaa imika hakiyay guud ahaan wadahdalkii ay kula jireen mucaaridka, iyagoo laaalay wixii ay ku heshiiyeenna.

qorshuhu wuxuu markii hore ahaa in muddo saddex sanno ah ay talada hayaan milatarigu ama dawladda kale ee kumelgaadhka ahi, hadiiba lasoo dhiso. balse sida ay imika sheegayaan milatarigu, shacabka sudan waxay muddo 9 bilood ah ku go’aansandoonaan cidda u talin doonta. kadib sanado badan oo dalkan uu u talinayay madaxweynihii xukunka laha tuuray, ee albashir.

tallaabada milatariga ayaa u muuqata xal dhaw oo laga gaadhi karo muranka iyo is-mariwaaga jiitamayay ee ku aaddan talada dalka sudan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga