Daadgureynta ayaa imaanaysa iyadoo ciidamadda Suuriya ay sii kordhiyeen hawlgalladooda.

Jaish al-Islam, oo ka mid ah kooxaha mucaaradka ugu weyn ee Bariga Quuta, ayaa ku dhawaaqay in ay ogolaadeen in la daad gureeyo dadka rayidka ah.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dalka Suuriya, 13 dagaalyahanno ayaa qoysaskooda laga daadgureeyay marinka Beriga Quurta.

Heshiiska daad-gureynta waxaa lagu soo warramay in kumaanan dad rayid ah la gaadhsiiyay gargaarka Qaramada Midoobay iyo dhowr hay’adood oo caalami ah,

Heshiiska daad-gureynta ayaa yimid kadib markii hogaamiyaha Jaish al-Islam uu warqad u diray bishii hore Qaramada Midoobay una ballanqaaday in la fududeeyo daad guraynta dadka rayidka ah.
Weerarkii isbuucii la soo dhaafay oo ka dhacay dhismahii ugu dambeeyay ee ku yaala magaalada Dimishiq ayaa waxaa ku dhintay tiro gaadhaysa 920 Ruux.

Hay’adaha Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sidoo kale sheegay maanta in helikobtarro iyo loo isticmaalay duqeynta goobaha habeenkii.

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad iyo Ruushka, oo ah saaxiibkiisa ugu muhiimsan, ayaa sheegay in ololahan loo baahan yahay in lagu soo afjaro duqeynta mucaaradka ee Dimishiq iyo in la joojiyo xukunka mucaaradka ee dadka rayidka ah.

Si kastaba ha noqotee, Jaish al-Islam iyo Failaq al-Rahman labaduba waxay sheegeen in aysan ka wada xaajoonayn heshiisyadaas.

Qaramada Midoobay ayaa qiyaaseysa in 400,000 oo qof ay ku xayiran yihiin aagaga dagaalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga