Madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas ayaa ku baaqay shir caalami ah oo la qabanayo badhtamaha 2018 si dib loogu furo wadahadalkii Israel iyo Falastiin.

Mohamoud Abbas Ayaa Markii ugu Horaysay Qaramada Midoobay Hadal ka Jeediyay Saalasadii  Tan iyo 2019-kii

“Waxaan aaminsanahay in wadaxaajoodku yahay waddada kaliya ee nabadda, sidee ayaan u diidi karnaa wadaxaajoodka?” ayuu yiri.

Abbas ayaa sidoo-kale ka hadlayey xaalad siyaasadeed ee falastiin iyo isreal oo u muuqata in ay xiisada laba dal xoogaysatay kaddib markii Maraykanku u aqoonsaday Yeruusaalem caasimadda Israel bishii December.

Mohamoud Abbas ayaa,ku dhaartay in Falastiiniyiintu ay sii xoojin doonaan dadaalada ay ku doonayaan dawlad Madaxbanaan

Waxa uu tilmaamay in ay jiraan 86 qaraar oo Golaha Ammaanka losoo gudiyay oo ay Diideen dadka reer  Falastiin

“Israel waxay u dhaqmaysaa sidii dawlad ka saraysa sharciga,” ayuu yiri Abbas.

wargeyska diplomaasiyadeed James Bays ayaa sheegay in Hay’adda Falastiiniyiinta ay lumisay kalsoonidii ay ku qabeen dawladda Maraykanka ee dhexdhexaadinta.

Inkastoo ra’iisul-wasaaraha Ruushka u u sheegay goluhu in uu diyaar u yahay in uu u fidiyo barxad la yiraahdo Israel iyo Falastiin

Dhinaceeda, danjiraha Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa adeegsaday mareegteeda, iyada oo sheegtay in ay ku bixiso waqti  Badan si loo xaliyo xiisada Falastiiniyiinta iyo isreal

Si Kastaba ha ahaatee, QM ayaa diiradda saareysa xalinta dhibaatooyinka iyo cabashooyinka ka dhaxeeya labada dhinac.”

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga