Somaliland Ayaa Heshiis La Gashay Shirkadda Dp World Oo Laga Leeyahay Imaaraadta Carabta, Kaas Oo Ay Ku Maalgalinayso Dekeda Magaalada Berbera.

Saamiga Dekadda Berbera Ayaa Waxaa Loo Kala Leeyahay Sidani,

Dp World Waxay Saamiga Ku Leedahay 51% Boqolkiiba, Somaliland Waa $30 Boqolkiiba, Dowladda Itoobiya Ayaa Iyaduna Yeelanaysa Boqolkiiba 19%, Heshiiska Ayaa Lagu Jirayaa Muddo 30 Sano Ah.

Dowladda Somalia Ayaa Dadaalo Badan Galisay Sidii Ay U Joojin Lahayd Heshiiska Dekadda Berbera Balse Kuwaas Ayaan Midho Dhalin,

Wasiirka Dekadaha Iyo Gaadiidka Badda Ee Dowladda Federaalka Somaalia Ayaa 2-Dii Bisha March, Soo Saartay War Saxaafadeed Ay Ku Sheegtay In Heshiiska Dekadda berbera Yahay Mid Sharci Darro Ah,

Ra’Isulwasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre Oo Isna Maalintaas Ka Soo Laabtay Imaaraatka Carabta Ayaa Ku Celiyay Hadalkii Wasaaradda, Sheegayna In Heshiiska Dekada Berbera Aw Xad Gudub Ku Yahay ‘Qaranimadda Somalia,

Sidoo Kale Waxaa Arintaas Si Adag Uga Hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Markii Uu Furayay Kalfadhiga Labada Aqal Ee Somalia, Waxaana Uu Carrabka Ku Dhuftay In Berberi Ka Mid Tahay Hantida Umada Somaliyeed, Isaga Oo Uga Digay Waddamada Iyo Shirkadaha Shisheeye In Aysan Kusoo Xad Gudbi Karin Qaranimada Iyo Midnimada Umada Soomaaliyeed,

Markii Uu Shir Gudoonka Baarlamaanka Somalia Furmay, Sharcigii Koowaad Ee Laga Dooday, Ayaa Ahaa Heshiiska Dekadda Berbera, Iyada Oo Natiijada Kasoo Baxday Ay Naqotay In Shirkadda Dp World Laga Mamnuuco Dalka Somalia,

Maalin Kadib Waxaa Ka Falceliyay Hadaladii Dawladda Somalia Kasoo Yeedhay,Xukuumada Somaliland Iyo Gudoomiyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, Iyaga Oo Sheegay In Dowladda Somaaliya Ay Farogalin Qaawan Ku Hayso Somaliland Waxaan Ay Shegeen In Somaliland Ay Leedahay Dastuur, Kaas Oo Shacabku U Codeeyeen Boqolkiiba 97%, Rubuc Qarnina Lagu Soo Dhaqmayay”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri Barwaaqo) Ayaa Sheegay In Madaxweyneyaashii Hore Ee Somaliland Iyo Soomaaliya , Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Xasan Sheekh Maxamuud Ay Heshiis Ku Kala Saxiixdeen Magaalada Jabuuti Sanadkii 2014-Kii, Kaas Oo Ahaa In Laysla Ogolaado Arrimaha Maalgashiga Iyo In Ay Somaliland Xaqa U Leedahay In La Maalgashado.

Heshiiska Dp World Iyo Somaliland Ayaa Soo Bilaabmay Sanadkii 2016-Kii, Iyada Oo Golaha Wakiiladda Somaliland Ay Ansixiyeen Taariikhdu Markii Ay Ahayd 9-Kii Bishii Agoosto, 2016-Kii.

Itoobiya Ayaa Ah Dawlad aan Bad Lahayn, Balse Dekada Berbera Ayaa Noqonaysaa Ta Kaliya Ee Ay Itoobiya Saami Ku Leedahay.

Somaliland Iyo Somalia Ayaa Mudooyinkii Ugu Danbeeyay Is Dhaafsanaayay Hadalo Kulkulul Iyaga Oo Warbaahinta La’Isu Marinaayay,

Mawjadaha Siyaasadeed Ee U Dhaxeeya Somaliland Iyo Somalia Ayaa Galaaftay Wadahadaladii Dhexmari Lahaa Laba Dhinac Kuwaas Oo Ka Furmi Lahaa Dalka Jabuuti.

Somaliland Waxa Ay Dhankeeda Mamnuucday In Astaanta Internetka Ee Soomaaliya Ee (.So) Laga Mamnuuco Gudaha Somaliland Maalin Kadib Markii Astaantaas Lagu Wareejiyay Wasaaradda Isgaarsiinta Ee Dowladda Federaalka Somalia,

Sida Ay Shegeen Baarlamaanka Somalia, Heshiis Kasta Oo La Galayo Waa In Uu Ansixiyaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Haddii Kale Sharci Daro Yahay,

Haddaba Waxaa Jira Heshiisyo Kale Oo Lala Galay Shirkado Shisheeye Oo Maalgalinaya Meelo Kamida Dalka Somalia, Balse Lama Horekeenin Baarlamaanka Somalia,

Waxaana Kamida Heshiiska Dekada Boosaaso Kaas Oo Shirkadda Dp World Ay La Gashay Dowlad Goboleedka Puntland Hadaba Maadaamaa Shirkadan Gabi Ahaanba Laga Mamnuucay In Ay Ka Hawlgasho Geyiga Soomaaliyeed. Waxaa iswaydiin Mudan Dawladda Puntland Ma Joojin Doontaa Heshiisyadii Ay La Gashay Shirkadda Dp World,

Waxaa Kale Oo Jira Labo Shirkadood Oo Turkiga Laga Leeyahay Oo Kala Maamula Dekada Muqdisho Iyo Garoonka aadan Cadde Kuwaas Oo aanu Baarlamaanka Somalia Ansixinin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga