Madaxweynaha dalka uganda Yoweri Museveni ayaa dalka somaliya ku tilmamay dal bilaa dawlad ah.

Mdaxweyne museveni ayaa hadalkan sheegay maalintii insniinta mar uu ka qayb galayay shirka sanadlaha ah ee garsoorayaasha uganda oo lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee kampala.

Hadalada madaxweynaha ayay soomaalida isticmaasha baraha bulshadu siyaabo kala duwan uga hadleen, iyadoo dad badanina ay ka cadhoodeen.

Madaxwynaha Yueri mueveni ayaa soomaalliya tusaale usoo qaatay mar uu isbarbardhigaayay kalmadaha waddan, qaran iyo dawlad.

Waddanka ayuu ku sheegay dhulka aad haysato, qaranka wuxuu ku sheegay dadka hadii ay haystaan sinjiyad isku mida, halka dawladana uu ku macneeyay maamul dhamaystiran oo wadan ka jira. Museveni ayaa markii uu qeexayay dawladda wuxuu sheegay in ay jiraan wadamo bilaa dawlado ah, Waxaanu tusaale ahaan usoo qaatay dalka soomaaliya oo tobanaan sanno colaado iyo deganaansho la’aani ka jirtay.

Soomaalida isticmaasha baraha bulshada oo ka falcelinayay hadalka madaxweynaha uganda ayaa ku eedeeeyay inuu yahay kaligii taliye, intii uu xukunka hayay ay soomaaliya isku badaleen madaxweynyaal badani, iyagoo madaxweynaha uganda xasuusiyay sidii ay soomaaliya ukala badbaadisay wadamda uganda iyo tanzania sanadkii 1972-kii oo soomaaliya ay ku kala guntatay dhiigga labada wadan oo isu dhaarsanaa.

Madaxweynaha uganda ayaanay ahayn markii ugu horeysay ee uu hadalo noocan oo kale ah ku duro soomaaliya iyo dawwladaha Afrika.

Museveni ayaa bishii january ee Sanadkii hore sheegay in uu taageero madaxweyne Trump maadaama oo uu runta u sheego wadamda Afrika. Trump ayaa bishii januery ee sanadkii hore Qaarada Afrika ku tilmaamy Hadal uu Ku Sheegay gudaafad.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga