Maalintii saddexaad waxaa magaalada Garoowe ka socda shir wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada,iyadoo hoggaamiyeyaasha ay diirrada saarayaan sidii xal loogu heli lahaa arrimaha ay isku diiddanyihiin dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Kulanka shalay ayaa lagu soo warramaya inuu ahaa mid waqti dheer qaatay oo dooddo badan ay ka yeesheen madaxda qodobbada laga hadlayo,balse ilow ku dhow shirka waxaa ay sheegayaan inay jiraan qodobbada qaar oo la isku fahmay.

Wararka ay shirka Laga Helayo ayaa Sheegaya in illaa hadda arrinta la isugu soo dhawaday ay tahay dooddii ka tagneyd , sharciyada Batroolka ,doorashooyinka iyo xisbiyada oo dowlad-gobolleedyada ay ka soo horjeesteen markii ay ansixiyeen golaha wasiirrada federaalka.

Xeerka Batroolka ayaa lagu waday in Isniintii la horgeeyo golaha shacabka, balse fadhiga wuxuu u baaqday kooram la’aan markii ay soo xaadiri waayeen tirada uu ku furmi lahaa.

Hoggaamiyeyaasha ayaa lagu wadaa inay wada-hadallada xoojiyaan tan iyo galinka dambe ee maanta, balse ma cadda wali muddada uu shirka soconayo

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga