Sebtember.5-Teedii 2016-kii ayey Magaaladda Dubia ee Dalka Isutaga Imaraatka Carabka Heshiis Ku Kala Saxiideen Somaliland iyo Shirkadda DPWORLD Ee Laga Leeyahay Waddanka Isu-taga Imaaraatkla Carabta.

Wefti uu Hogaaminayo Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland oo Xiligaasi ku Sugnaa Waddanka Imaaraatka ayaa Dhinaca Somaliland u Matalayey Heshiiska, Halka Dhanka Dpworld uu Heshiiska u Saxiixay Agaasimaha Shirkadda Sayid Suldaan.

Xukuumadii Taladda Somaliland Haysay Xiligaasi Waxay Sheegtay in Heshiiskani yahay Mid Saamayn Wayn ku Yeelan Doona Nolasha Bulshadda Somaliland.

Maxaa Kamid ahaa Qodobadda Lagu Heshiiyey?

Qodobadda ay ku Heshiiyeen Labadda Dhinac Xiligaasi Waxaa Kamid ahaa.

1: in Shirkadda Dpworld ay Dekadda Berbera Maamuli Doontaa Muddo Sodon Sanno ah iyadoo Gacanta ku Hayn Doonta Boqolkiiba 65% halka Somaliland ay yeelan doonto Boqolkiiba 35%.

2: in Shirkadda DPWORLD ay Maalgalin Ku Samayso Dhismaha Dekad Cusub oo ay Somaliland yeelanayso iyo Waliba in Shirkadddu Balaadhinta iyo Casriyeyn Ku Samayso Dekadda Magaaladda Berbera Taas oo Ku Baxaysa $10 Million Sanadkiiba. iyo Waliba  $5 Million oo ay Somaliland Kaash Ku Qaadanayso.

3: DPWORLD Waxay Balan Qaaday in mashruucan ay Ku Kharash Garayn Doonto Lacag Gaadhaysa $442 Million oo Dollar.

Maxaa Ka Qabsoomay?

Aqoonyahano Badan ayaa Qaba in aanay Wali Wax ka Qabsoomay Jirin Heshiinkaasi.iyagoo intaas ku Daray in Somaliland ay Ku Hungowday.

Waxyaabaha Caqabada Ku Noqday Heshiiska ayey ku Shegeen in ay Kamid tahay Heshiiskii Dhex Maray Dawladaha Itoobiya iyo Eritrea oo ay Muddo Dheer Colaadi Dhextaalay.

Waxay Aqoonyahanadu intaas ku Dareen in Markiii Horeba Waxyaabaha Dpworld ku Dhiiriyey Heshiiskaas ay Kamid ahayd Dawladda itoobiya oo Wax Kalasoo Dagi Jirtay Dekadda Magaaladda Berbera, Taas Bedelkaada ayey Shegeen in Itoobiya ay Hada u Wareegtay Dekadda Casab ee Dalka Eritrea.

Qodobka Labaad ee Heshiiska Curyaamiyey ayey Ku Shegeen in uu yahay Go’aankii ay Dawladda Federaalka Soomaaliya Dalka Kaga Mamnuucday Shirkadda Dpworld.

Dilka Maamulihi Shirkadda Dpworld ee Dekadda Magaalada Boosaaso ayey Ku Shegeen in ay Iyaduna Saamayn Ku Yeelan Doonto Fulinta Qodobadii Lagu Heshiiyey.

Madaama aanay Somaliland ahayn Waddan aan Aqoonsi ka Haysan Beesha Caalamka, Waxyaabaha ay Aqoonyahanadu Walaaca Ka Muujiyeen Waxaa Kamid ah Hadiiba is Faham waa ka Dhex Dhaco Labadda Dhinac. Yaa u gar Qaadi Doona.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga