Madaxweyne Ku Xigeenka Maraykanka Mike Pence Ayaa Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un Uga Digay In Uusan Ciyaar La Soo Shir Tagin Haddii Uu La Kulmo Madaxweyne Donald Trump Bisha Soo Socota.

Pence Ayaa Sheegay In Laga Yaabo In Trump Uu Isaga Baxo Shirka Loo Ballansan Yahay 12 Juunyo.

Kuuriyada Waqooyi Ayaa Ku Goodisay In Ay Isaga Bixi Doonto Shirka Kaddib Hadal Uu Yidhi John Bolton Oo Ah Lataliyaha Ammaanka Qaranka.

Mucamar Al Qadaafi Ayaa Reer Galbeedka Ka Ogolaaday In Uu Hubkiisa Burburiyo 2003-Dii Isaga Oo Ku Badashay In Laga Qaado Cunaqabataynta. Siddeed Sano Ka Dibna Waxaa Dilay Jabhado Ay Reer Galbeedku Taageersanaayeen.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-In Ayaa Qorshaynaya In Uu Kula Kulmo Trump Washington Dc Talaadada Si Ay Uga Wada Hadlaan Qorshaha Shirka.

Pence Ayaa Sheegay “In Aysan Su’aal Ka Taagnayn” In Trump Uu Doonayo In Uu Iskaga Hadho Kulanka Lagu Ballansan Yahay In Uu Singapore Ka Dhaco.

Wargayska New York Times Ayaa Axaddii Ku Warramay In Madaxweynaha Maraykanku Uu Lataliyeyaashiisa Iyo Kaaliyeyaashiisa Waydiinayo In Uu Sii Wado Qorshaha Uu Uga Qaybgalayo Shirkaas Iyo In Kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga