Maraykenka ayaa Sheegay in ay Rumaysan yihiin in Shirkadaha isticmaala Diyaaradda Boeing 737 Max 8 ay Tahay Mid amaan ah oo La Isku Halayn Karo.

Hadalkan Kasoo Baxay Maamulka Duulimaadyadda ee Dawladda Maraykwnka ayaa Kusoo Beegmaya Xili ay isticmaalka Diyaaradda Boeing 737 Max 8 ay Joojiyeen Isticmaalkeeda, Kadib Shilkii ay Dadka Badani ku Dhinteen ee Diyaaradda Ethoipia Airlines.

Shakiga Laga Muujiyey isitcmaalka Diyaarada Boeing 737 Max 8 ayaa yimid Kadib Markii Muddi Lix Bilood Gudahood Shil ay Dad Badani ku Dhinteen uu Soo Waajahay Nooca Diyaaraddani.

Sidoo Kale Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa ku baaqay in diyaaradda in nooca Boeing 737 Max 8 la hakiyo isticmaalkeeda ilaa iyo inta baaritaan buuxa laga sameynayo.

Saamiyada shirkadda Boeing ayaa shalay oo Isniin ahayd hoos u dhacay 12.9% kadib markii uu shilku dhacay.

Wasiirka gaadiidka Mareykanka Elaine Chao ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabo deg deg ah oo macquul ah haddii diyaaraddaasi lagu arko wax cillad ah oo sababaya in ay burburto.

Shirkadda samaysa diyaaradda Boeing ee dalka Maraykanka ayaa wajahaysay su’aalo badan oo la xidhiidha heerka badqabka diyaaradda nooceedu yahay 737 kadib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga