Taliska ciidammada Marekanka ee Afrika ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal duqeyn dhanka cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaallamayaal ka tirsan ururka al-Shabaab.
Duqeynta ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen labo xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab, waxaana warsaxaafadeedka lagu xaqiijiyay duqeynta inaysan shacab wax ku noqon.
Saldhigga ay ciidammada Marekanka oo howlgalka iska kaashadeen ciidammada milatariga Soomaaliya ayaa ku yaalla magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Taliska ciidanka Marekanka ee Afrika oo loogu yeero Africom ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgaladaasi oo ay ku taagerayaan dowladda Soomaaliya,si loo soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga