Dawladda maraykanka ayaa dhamaan shaqaalaha caadiga ah ee ka jooga dalka ciraaq ku amartay in ay kasoo baxaan, iyadoo shaqaalaha safaaradana la bixi doonta, sida lagu sheegay war maanta oo arbaca ah kasoo baxay saafardda maraykanka ee magaalada baqdaad.

Safaaradda ayaa xustay in shaqaale ku shaqayn doonaa xaalad aan caadi ahayn ama amergenc ay ku hadhi doonaan.

Safaaradda ayaa si ku meel gaadh ah u laashay adeegyada visaha, iyadoo xadiday awooda ay gacan ugu fidin karto muwaadiniinta ameerikaanka ah ee jooga dalka ciraaq.

Maraykanka ayaa sidoo kale muwaadiniintiisa jooga ciraaq ugu baaqay in ay ka baxaan.

Talaabadan uu maraykanku qaaday ayaa imanaysa xili xiisadda ka taagan gobolka bariga dhexe ay cirka iskusii shareerayso.

Wadamada iran iyo maraykanka ayaa ku hardamaya bariga dhexe.

Maraykanka ayaa ciidamo dheeraad ah iyo maraakiibta xambaara diyaaradaha u diraya khaliijka carabta, kadib cabsi soo wajahday ciidamada ameerikaanka ee jooga gobolka Oo ka cabsi qaba weerar ay ku qaado iran.

Wasaaradda gaashaandhigga maraykanka ee pentagon-ka loo yaqaano ayaa koongareeska marykanka ka dalbatay in ay ogolaadaan in 180-Kun oo miltariga maraykanka ah ay u daad gureeyaan bariga dhexe, hadii ay iran isku daydo weerar ka dhan ah ciidamada maraykanka.

Dawladda iran ayaa dhawaan shaacisay in ay ka laaban doonto heshiiskii nukliyeerka ee ay saxeexday sanadkii 2015-kii, hadii aanay quwadaha caalamku garab siinin xukuumadda tehran oo ilaalisay heshiiska.

Wali lama oga halka ay ku danbayn doonto xiisadda ka taagan bariga dhexe, balse waxa laga cabsi qabaa hadii aanay dhinacyadu tanaasul muujin in uu xaalku Xumaan karo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga