Mudadii afarta sanno ahayd ee ugu danbaysay wasaarada gaaashaandhiga ee dalka Maraykenka waxay Sheegaysay in duqaymaha ay ka fuliso Dalka Soomaaliya aanay Dad rayid ahi ku geeriyoonin.

Sheegashada Pentagonka Maraykenka ayaa shaki galaysa kadib warbixin ay soo Saartay Hay’adda Amnsty international.

Tan iyo Sanadkii 2017-kii, waxay Hay’adda amesty sheegtay in ciidanka maraykanku ay Soomaaliya ku dileen 14 Soomaali Shacab ah oo aan Xidhiidh la lahayn Kooxaha Argagixisadda.

Warbixintan ayaa daba socotay kadib go’aan uu dhawaan madaxweyne trump ku dalbaday in la joojiyo sheegista tiradda dadka rayidka ah ee ku dhinta duqaymaha ay fuliyaan ciidanka Maraykanku..

Warbixnta ayay Hay’addu ku xustay in shan Duqaymood oo ay ciidanka Maraykanku fuliyeen ay ku dileen 14 dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo intaaba uu taliska Maraykenka ee afrika sheegayay in aanay dad shacab ahi ku waxyeeloobin duqaymaha ay ku beegsadaan kooxda alshabaab.

Warbixinta ayaa ciidanka Maraykenka iyo kuwa dawladda Soomaaliya ku dhaliishay in aanay Saamayn baadhitaan hufan oo ay ku ogaanyaan cida ay dhibaatadu kasoo gaadho weerada ay fuliyaan.

Taliska ciidanka Maraykenka ee Afrika loona yaqaano Africom ayaa naqdiyay warbixinta Hay’adda amety intern, isagoo wali ku adkaysnaya in aanay jirin dad ay waxyeelo kasoo gaadhay duqaymahooda, balse warbixinta Hay’adda ayaa wadata cadaymo. Tusaale ahaan, hawlgal ay ciidanka Maraykanku fuliyeen 16-bishii October ee sanadkii 2017-kii waxay Hay’addu Sheegtay in ay laba qof oo Shacb ahi ku dhinteen, halka ay ku Dhawaad Shan qof oo ay ku jireen laba caruur ahi.

Warbixinta ayaa sidoo kale, sheegtay in alshabaab aanay ka sooc-nayn dadka dega deeganada ay haysataan, isla markaana ay ciidanka Maraykanku gaysatan weerada ay dad rayid ahi ku leedaaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga