Wasaarda difaca Maraykenka ee Pentagonka loo yaqanao aya laashay hub iyo qalab ay gaadhsiin lahayd dalka turkiga, iyadoo jawaab uga dhigaysa heshiiyo dhanka hubka ahaa oo dhexmaray xukuumadah ankara iyo moscow.

Dalka mryknka ayaa marar badan dalka turkiga uga digay in uu iibsado hubb lagu farsameeyay gudah dalka ruushka, basle maamulka madaxweyne erdogan ayaa iska dhaga tiray dingniinta mryknka isagoo sheegay in uu iibsan doono hubka.

Saraakiisha mryknka oo la hadlay wakaalada wararka ee reuters ayaa tibaaxay in qalab tababar iyo shixnado kael oo miltari oo ay gaadhsiin lahyeen dalk turkiga ay joojiyeen, illaa inta dalka turkigu uu ka laabanyo heshiisyada uu la galay dlka turkiga.

Dawladaha turkiga iyo ruushka ayaa kal saxeexday heshoosyo gantaalada difaaca ee s-400 lagu siinayo dalka turkiga, arintaas oo maamulka maxweyne trump uu ka cadhooday isagoo ugu hanjabay dlaka turkiga in uu cunqabtyn saari doono.

Dawladda mryknka ayaa sidoo kale joojisay diyaardaha dagaalka ee f-35 oo ay ka iibinlahayd daka turkiga.

Warkan ayaa imanaya maalmo kadib markii wasaiirka arimah dibadda ee dlak turkigu uu sheegay in aanay dawladiisu marnaba ka laaban doonin heshiisyada ay la gashay dlaka ruushka, isagoo intaa ku daray in la qoondeeyay wakhtigii gantaalada s-400 lagu gaadhsiin lahaa dalka turkiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga