Madaxweynaha Dalka Marykanka Donald Trump, Ayaa Sheegay In Gabi Ahaanba uu Ciidamada Maraykenka Ka Saarayo Dalka Suuriya,Trump ayaa Tibaaxay in 2000 oo Askari oo Amerikaan Ah Dib Loogu Celin Doono Maraykanka, Xili Buu Yidhi Laga Adkaaday Ururka Daacish.

Go’aanka Ayaa Ka Yaabiyay Khubaradiisa Gaarka ah Iyo Qaar Ka Mid Ah Madaxda Sare Ee Xisbiga Jamhuuriga Oo Arintan Ku Diidan.

“Waynu Jabinay Daacish, Taasina Waa Sababta Kaliya Ee Aynu Halkan U Joognay” Ayuu Madaxweyne Trump Oo Dabasocda Kooxda Daacish Oo Mar Xukumi Jirtay Qaybo Badan Oo Katirsan Wadamada Ciraaq Iyo Suuriya, Balse Imika Iskugusoo Ururay Meelo Koooban.

Saraakiisha Ameerikaanka Ayaa Sheegaya In Qorshaha Bixitaanka Ciidanka Aan Wali La Dhamaystirin, Balse Ay Rajaynayaan In Ciidankoodu Uu Badhtamaha Bisha Jeenuwari Dib Ugu Laabto Maraykanka.

Xukuumada Washington Ayaa Sanadkii 2014-Kii Bilawday Duqaymaha Ay Ka Gaysato Dalka Suuriya, Taas Oo Ku Beegnayd Sanad Kahor Markii Ay Ciidanka Dhulka Ee Maraykanku Bilaabeen Dagaaalka Ka Dhanka Ah Kooxda Daacish Oo Markaa U Muuqatay In Ay Fidinaysay Awoodeeda Milatari.

Galinkii Danbe Ee Maalintii Arbacada Ayuu Madaxweyne Trump Oo Ka Soo Muuqday Video Uu Soo Dhigay Bartiisa Twitterka, Si Dhakhso Ah U Shaaciyay In Hawlgalkoodii Uu Dhamaaday, Isagoo U Tacsiyeeyay Askartii Ku Dhimatay Dagaalka.

Trump Ayaa Intaa Kusii Daray In La Joogo Xiligii Ay Ciidanka Maraykanku Ku Laabanlahaayeen Dhulkooda, Isagoo Marar Badan Balanqaaday In Ciidanka Suuroiya Ka Jooga Uu Dib Ugu Celin Doono Gudaha Maraykanka.

Ka-Guulaysiga Kooxda Daacish Ee Uu Trump Ku Dhawaaqay Ayaan Ahayn Arin Laysku Waafaqsanayhay, Iyadoo Xildhibaano Badan Oo Ka Tirsan Golaha Sanadka Maraykanku Ay Maamulka Trump Ka Codsadeen Faahfaahin Badan Oo La Xidhiidha Go’Aankiisa Degdega Ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga