Hogaamiyaasha labada dal ee ugu waawayn adduunka, Donald Trump iyo Xi Jinping, ayaa ku heshiiyay in la Khafiifiyo Cashuurihii ay Labadda Dal Hore ugusoo Rogeen ganacsigii u Kala Gooshi jiray Labada Dal, Kadib Casho Sharaf ay, Ku yesheen Waddanka Argentina, oo uu ka Socdo Shirwaynaha Labaatanka Dal ee Dhaqaalaha Aduunka.

Ka dib wadahadal laba saacadood iyo badh Qaatay , Madaxwayne Trump ayaa oggolaaday in Boqolkiiba Toban la Cashuuro Badeecadaha Shiinaha Lagasoo Dhoofiyo ee la Keeno Dalka Maraykenka, Halka Tan iyo Markii Dagaalka Ganacsigu ka dhex Qarxay Labadda Dal Lagu Cashuuri Jiray Boqolkiiba Shan iyo Labaatan, sida laga soo xigtay War saxaafadeed Kasoo Baxay Aqalka Cad ee Looga Arimiyo Dalka Maraykenka.

Waddanka Shiinaha ayaa isaguna Ogolaaday in Dalkiisa La keeno Waxyaabaha Kala Duwan ee Kasoo Baxa beeraha, iyo alaabaha kale ee Kasoo Baxa Shirkadaha Laga Leeyahay Dalka Mareykanka si loo yareeyo khalkhalka ganacsi ee soo Kala Dhex Galay Labadda Dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay isku afgarteen in ay furfuraan suuqooda isla markaana ay xoojiyaan wada xaajoodyada ku saabsan dhammaan canshuuraha dheeraadka ah.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in kulanku uu ku yimid “wada-tashi muhiim ah oo dhex Maray Labadda Hogaamiye,” isagoo Shiinuhu tilmaamay Mid Saadaalin Karta xidhiidhka mustaqbalka dhow ee Shiinaha iyo Maraykenka.”

Sida lagu sheegay bayaanka Kasoo Baxay Aqalka Cad, labada hoggaamiye ayaa isku raacay in ay isla markiiba bilaabaan wada xaajoodka sare oo la xidhiidha Wadaagiska isgaarsiinta tiknoolajiyadda iyo khadka internetka. Labada dhinacba waxay ku heshiiyeen in ay wadahadal ku dhammeeyaan 90 maalmood gudahood, Khalkhalkii ku Yimid canshuuraha Badeecadaha u Kala Goosha Labada Dal.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga