milatariga maraykank ayaa weerar dhanka internertka ah ku qaaday hanaanka ay u shaqeeyaan gantaalada waddanka iran, iyo shabakadaha sirdoonka ee xukuumadda tehran, sida ay sheegeen masuuliyiinta maraykanku.

xukuumadda washington ayaa wali daba socota diyaaradii maraykanka ee ciidanka iran ay soo rideen. taas oo kor usii qaaday murankii u dhaxeeyay labada dhinac.

madaxweynaha marykanka ayaa amray weerar aargoosi ah oo lagu qaaado iran, balse wuu hakiyay ka hor inta aanay milatariga dalkiisu si toos ah u bilaabin weerarka habeenimadii khamiista.

trump ayaa sidoo kale awood u siiyay waaxda internetka ee dalkiisa in ay basaasto shabakadaha miltariga ee iran, sida ay ku warantay wakaalada wararka marykanka ee ap.

wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka waddanka iran.

weerarka dhanka internetka ayaa gaabis ka dhigay hawlaha computerada laga hago gantaalada iyo hanaanka difaaca ee iran, sida saraakiil aan la carabaabini ay u sheegeen warbaahinta maraykanka.

maalintii shalay ahayd, donald trump wuxuu balanqaaday cunoqabatayno dheeraad ah oo uu kusoo rogi doono dalka iran, oo imikaba la daalaadhacaya cunaqabatyntii hore ee trump uu saaray, oo saamayn wayn ku yeelatay dhaqaalaha iyo saliiida iran

xaalada gobolka ayaan wanaagsanayn iyadoo dhinacyada is hayaana ay sii kala durkayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga