Wasiirka Tamarta ee Dalka Maraykenka, Rick Perry, ayaa meelmariyay Lix ogolaansho oo shirkdaha ameerikaanka u fasaxaya in dalka Sucuudiga ay ka iibin karaan Tiknoolajiyada Nukliyeerka, Sida Lagu Arkay Documenrtiyo ay Aragtay Wakaalada Wararka ee Rueters.

Maamulka Madaxweyune Trump ayaa Wadda Qorshe ballaadhan oo Tiknooljiyada Nukliyeerka ee Maraykenka loogu gacan galinayo Boqortooyada Sucuudiga, taas oo ay ku macneeyeen in Sucuudigu uu rabo Tamarta Korontada ee laga Shaliyo Nukliyeerka.

Ogolaanshaha Wasiirka Tamarta Maraykenka, aya Shirkadaha dalkaas u ogolaanaya in Sucuudiga ay la gali karaan heshiis kasta oo la Xidhiidha Nukliyeerka. Balse wuxuuna u ogolaanayn in wax Qalab ah loo Qaado Sucuudiga, Sida ilo Heshiiska u dhuun daloolaa ay u Xaqiijyeen Wakaalada Reuters.

Waaxda amaanka iyo Nukliyeerka ee dalka Maraykenka ayaa iyaguna Sheegay in shirkdahu ay xukuumadda ka dalbadeeen in la qariyo ogolaanshaha loo siiyay heshiisyada.

Waaxda ayaa hore u shaacisay heshiisyo kale oo ay fasaxday, balse markan waxay ka dhigtay sir.

Baarlamnka dalka Maraykenka ayaa ka Waalacsan in sucuudiga loo gacan galiyo Tiknoolajiyada Nukliyeerka, iyagoo ka cabsi qabo in ay horseedo Hardan hubka Nukliyeerka ah oo ka bilaabma Gobolka Bariga dhexe oo qalalasaha ku caana.

Inkasta oo Sucuudigu uu Sheegayo in tamar uu kasoo Saaranayo Nukliyeerka, hadana waxa laga cabsi qabaa in mustaqbalka ay sucuudiga u sahli karto horumarinta hubka wax gumada ee Nukliyeerka. Iyada oo aan la aamini karin hogaaminta dhaxal sugaha sucuudiga maxamed bin salman oo lagu eedaynayo dagaalka dalka yemen iyo dilkii Wariye jamal Khashoggi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga