Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa 10 Milyan oo Doollar u ballan qaadday ciddii keenta xog lagu soo qaban karo, Laba Nin Oo lala xidhiidhinayo in ay ka dambeeyeen qaraxyadii 7-dii Augost 1998-dii ka dhacay Safaaradaha Maraykanka ee Daaru salaam, Tanzania iyo Nairobi, Kenya.

Raggan oo kasoo jeeda Dalka Masar ayaa Sanaddii 2000 la dul dhigay Madaxooda 5 Milyan oo Doollar, iyadoo ay hadda Laba jibbaartay Dowladda Maraykanka qiimihii lagu raadinayay xogtooda.

Labadan Nin ayay FBI-da Maraykanku ku eedeeysay in ay Gacan ka geysteen qorsheynta iyo fulinta weerarradii 20 Sano ka hor ka dhacay Tanzania iyo Kenya ee lagu dilay 224-ka Qof, Dadkaas oo 12 ka mid ihi ay ahaayeen Maraykan

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga