Maraykanka Ayaa Beeniyay In Turkiga ay wada Gaadheen Heshiis Ku Saabsan Magaalada Manbij Ee Waqooyiga Suuriya, Halkaas Oo Ciidamada Mareykanka Joogaan.

Turkiga Ayaa Doonaya In Uu Balaadhiyo Hawlgalka Uu Ka Wado Gobolka Afrin Iyo Degaannada Kurdiyiinta , Oo Ay Ku Jirto Manbij, Taas Oo Keenaysa Cabsi Laga Qabo Iska Hor Imaadyo Suuro Gal Ah Oo Dhexmari Kara Ciidamada Mareykanka Ee Degaanka Ku Sugan Iyo Millateriga Turkiga.

Afhayeenka Ciidamada Turkiga Ibraahim Kalin Ayaa U Sheegay Al Jazeera Isniintii In Ankara Iyo Washington Ay Gaadheen Heshiis Guud Oo Ku Saabsan Manbij,

Dhinaca Kale Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Heather Nauert Ayaa Sheegay in aanay Wax Heshiis ah Gaadhin Dawladda Turkiga,

Waxay Sidoo Kale Sheegtay In Maraykanku Uusan Ogayn Wax War Ah Oo Ku Saabsan Dib U Bilaabista Wadahadalada Arrintan.

Turkiga, Oo Ay Weheliyaan Mucaaradka Suuriya Ayaa Hawlgal Milatari Ku Soo Qaaday Gobalka Afrin Bishii Janaayo Si Ay U Dardar Geliyaan Dagaalka Ay Kula Jiraan Dagaalyahanada Kurdiyiinta,

Madaxwaynaha Turkiga Erdogan Ayaa Sidoo Kale ku Sheegay Hadal Uu Jeediyay Isniintii In Turkiga Uu Weerari Doono Dagaalyahannada Kurdiyiinta,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga