Magaalada singapore ee caasimadda dalka singapore ayaa noqotay magaalada ugu nolosha qaalisan guud ahaan caalamka, iyadoo ay weheliyaan magaalooyinka honkong iyo paris.

Waa markii koobaad ee sadexdan magaalo ay galaan kaalmaha ugu horeeya mudadii 30 sanno ahayd ee la soo waday xog ururinta magaalooyinka ugu qaalisan dunida.

Ururka Economist Intelligence Unit, ayaa is barbardhig ku samaynayay nolosha illaa 133 magaalo oo caalamka ah.

Xog ururinta ayaa laysku barbardhigayay sicirka badeecaadaha guud iyo maciishadda sida, roodhida.

Magaalada singapore ayaa ah tan koobaad ee ugu qaalisan guud ahaan calaamka.

Waxa kusoo xiga magaalooyuinka paris oo farasiiska ah, honkong oo shiinaha ah, zurich caasimada dalka switzerland.

Osaka, oo dalka japan ah, Seoul, caasimadda koonfurta kuuriya Magaalda copenhegn ee dalka denmark.

Magaalada new york ee dalka Maraykenka. Telaviv, caasimada isra’iil. iyo danbayn magaalada los angeles ee dalka Maraykenka.

Magaalooyinka ugu nolosha jaban caalamkuna waxay kala yihiiin Magaalada caraacus eE caasimadda Dalka venezuela oo lagu tilmamay magaalada ugu nolosha jaban.

Waxa kusoo xiga magaalooyinka dimishiq, caasmada suuriya, Tashkeny, oo ka mid ah daka Pakistan, Almaty oo ku taala dalka kazakhistan, Bangalore oo ah mgaaalo ku taala koonfurta Hindia, Karachi, dalka Pakisntan, Lagos dalka nigeria, Beines aores dalka argentina, Chenni dalka Hindia iyo ugu danbayn magaalada delhi oo ah caasiamda isla dalka Hindia.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga