Madaxweynihii Hore ee Dalka Itoobiya, Girma Wolde-Giorgis, ayaa Ku Geeriyooday Magaaladda Caasimadda ah ee Addis Ababa Maanta oo Sabti ah, Sida ay Ku Warantay Warbaahinta Dalka Itoobiya, Girma ayay Da’diisu ahayd 95-Jir. Wali Lama Sheegin Sababta Dhimashadiisa.

Wolde ayaa Shacabka Itoobiya Xukumayay 12-Sanno isagoo Talada Dalkan Ku Yaala Geeska Afrika Qabtay Sanadkii 2001-dii Halka uu Ka Tagay Xafiiska Sanadkii 2013-kii.

Sanadihii ugu Danbeeyay Wuxuu Dedaal ugu Jiray Sidii Dib u Heshiisiin Looga Dhexdhalin lahaa Dawldaha Itoobiya iyo Eretariya oo bishii July Ku Dhawaaqay in ay Soo Af-Jareen Colaadii Sanadaha Badan Dhextaalay.

Girma Wuxuu Ku Hadli Jiray Luqadaha Amxaariga, Oromada, Ingiriisida Iyo Faransiiska.

Girma Wuxuu ahaa Madaxweynihii Labaad ee ay Itoobiya Yeelato Tan iyo Sanadkii 1995-Kii; Markaas oo La Sameeyay Dawladda Federaalka Itoobiya.

Bishii October Sanadkii 2001-dii ayaa Girma Loo Doortay inuu Noqdo Madaxweynaha Itoobiya, Xiligaas oo uu Ahaa Shakhsi aan La Aqoonin oo Doorashadiisa La Yaabay, Isla Markaana ay Baarlamaanka Itoobiya Ku Doorteen Cod Aqlabiyad ah.

Xafiiska Madaxweynaha Itoobiya ayaa Lagu Tilmaamaa inuu Yahay Muuno, Isla Maraakna aanu Lahayn Awood Badan Lahayn.

Awoodda ugu Badan Waxaa Iska Leh Ra’iisal Wasaaraha Dalka oo Qabta Shaqada Hogaanka Wadanka.

Madaxwaynaha Itoobiya ayaa La Doortaa Laba Muddo Xileed oo Min Lix Sanno ah. Girma Ayaa Laba Jeer Loo Doortay Xafiiska, iyadoo Sanadkii 2007-kii uu Mar Kale Ku Guulaystay Doorashada Madaxtinimda, Taas oo u Saamaxday In uu Hogaanka Hayo Muddo 12-Sanno ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga