Ciidamada amaanka ee dalka Pakitan ayaa xabsiga u taxaabay Madaxweynihii hore ee pakistan, iyadoo lagusoo eedeeyay falal la xidhiidha musuqmaasuq iyo wax isdabamarin intii uu hayay talada dalkan ku yaala koonfurta qaaradda asia.

Azif ali zardari, ayaa laga diiday racfaan uu hore u qaatay iyadoo loo haysto lacago tiro badan oo uu lunsaday.

Mr zardari ayaa pakistan u talinayay sanadihii u dhexeeyay 2008 illaa 2013kii. Wxuu sidoo kale ahaa seyga raysalwsaarihii la toogtay ee pakisan, gabadhii lagu magacaabi jiray benazir buto.

Waxa muddo dheer lala xidhiidhinayay kiisas musuqmasuq la xidhiidha iyadoo dalka pakistanna ay sheekadiisu aad ugu faaftay.

Maalintii isniinta ayay isku dhaceen taageerayaashiisa oo ka xanaaqsan xadhigiisa, iyo ciidamda booliska ee dalka pakistan. Oo markaa kasoo qabanayay gurigiisa oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee islambad.

Zardari wuxuu hore u beeniyay kiisaska loo haysto, isagoo tibaxay in dano siyaasdeed ay ka danbeeyaan fadeexadaha ka dhanka ah.

Azif ali sardari, ayaa lagu eedeeyay in uu malaayiin dolar ka xaday waddanka isagoo dhigtay baanan dibadda wadanka laga leeyahay, halka lacago kalana uu ku maalgaliyay shirkado kale.

Sardari ayaan kali ku ahayn fadeexadaha musuqa la xidhiidha ee madaxdii soo martay dalka pakistan, iyadoo dhawaan waxisdabamarin loo maxkamdaynayay raysalwsaarihii hore ee dalka nawaz shariff.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga