Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo , ayaa ka tanaasulay dhalashada Mareykanka oo uu haystay .

Waxa la sheegay in khuburo dhanka sharciga ah oo ka socotay Soomaaliya iyo Mareykanku ay ka shaqeeyeen arrintan .

Dastuurka Soomaaliya ayaa ogol in qof haysta laba dhalasho uu madax noqon karo ..

Dhalashada Mareykanka, ayaa caqabad ku noqotay safar Madaxweyne Farmaajo sannadkii hore ku tagi lahaa , iyada oo aanay suuragal ahayn in loo qaabilo sida madaxda kale ee dalkaasi booqanaysa, maadaama oo uu ahaa muwaadin Mareykan ah .

Sannadihii 2017 iyo 2018, waxa uu ka baaqday in uu ka qaybgalo fadhiga guud ee Qaramada Midoobay oo la qabto bisha September , waxa uu suuragal ah in uu sannadkan tagi doono New York.

Farmaajo waxa uu Mareykanka gaadhay sannadkii 1985-kii , waxaana uu wakhtigaasi ka shaqo bilaabay safaarada Soomaaliya ee magaalada Washington , markii ay burburtay dawladdii dhexe, waxa uu u guuray magaalada New York oo wax ku bartay , waxaana uu noqday muwaadin Mareykan ah .

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga