Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka tirsan xukuumadisa ayaa dalka Sucuudiga kula kulmay wefti wasiiro oo ka socday dawladda federa-ka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibeda Axmed Ciise Cawed iyo wasiirka maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle

Madaxda laba dhinac ayaa Sucuudiga u joogay gudashada waajibaadka xajka , waana markii ugu horeysay wufuud heer sare ah oo ka socda xukuumadaha Muqdisho iyo Hargeysa ay kulmaan

Wasiirka maaliyada ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xaqiijiyey in uu dhacay kulankaasi .Waxaana uu barta uu ku leeyay facebook soo dhigay qoraalkan.

Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin dhab ah.

Farriinta wanaagu ka muuqdo ee ka socota dhammaan Xaajiyaashii Haram-ka ku kulmay waxay muujineysaa in aan loo kala harin is ku dhex jira, midnimadooda, iyo rabitaanka ummada Soomaaliyeed ee wada noolaasha iyo wadajir wax u qabsiga taas oo aas-aasi u ah nabad waarta iyo guul aan gaarno.

Aynu dhammaanteen garwaaqsano inaan u dhaqaaqdo ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin dhab ah oo macno inoo leh, isla markaana bulshadeena u horseedda barwaaqo iyo midnimo.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhawr jeer ku eedeeyay dawladda Soomaaliya in ay tahay cadaw burburinaya Somaliland.

Dhanka kale Madaxweynuhu waxa ku eedeeyay guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed (Cirro ) in uu xidhiidh la leeyay dawladda Soomaaliya .

Laakiin illaa hadda lama hayo muuqaal iyo sawir muujinaya kulano guddoomiye Cirro la yeeshay madaxda Soomaaliya .

Somaliland waxa ay joojisay wada hadaladii ay lahayd dawladda Soomaaliya

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga