Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Madaxda Somalia Ku Eedeeyey Inay Farogalin Ku Hayaan Arrimaha Somaliland,Isla Markaana Khalad Iyo Daandaansi Ku Tilmaamay Dacwadda Ay Somalia U Gudbisay Golaha Amaanka Ee Qaramadda Midoobay.

“Waxaad Ka War Qabtaan In Dawladda Muqdisho Ay Dacwad Geysay Golaha Ammaanka, Dacawaddaas Oo Ku Saabsan Somaliland Dhulkeeda Oo Ah Heshiiska Ay Dawladaha Somaliland Iyo Imaaraadku Wada Galeen, Gaar Ahaan Dp World Iyo Mashaariicda Aynu La Galnay In Berbera Lagu Horumariyo. Arrintaas Iyada Ah Meelaha Ay Khusayso Waanu Gaadhsiinay Waraaqaheeda Iyo Warkeeda, Qaranka Somaliland-Na Waxaanu Jecellahay In aan U Iftiimiyo Waxa Jira.”Ayuu Yidhi Madaxwayne Muuse Biixi.

Madaxweynuhu Waxa Uu Baaq Uu Ku Sharraxay Aragtida Somaliland Ka Qabto Gardarrada Soomaaliya U Diray Dawladaha Caalamka Iyo Urur-Goboleedka Ay Ku Bahoobeen Dawladaha Afrikada Bari, “Dawladaha Jaarka Ah, IGAD Iyo Caalamka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga