Madaxweynaha Eritrea Ayaa Booqasho Rasmi Ah Oo Qaadanaysa Muddo Saddex Cisho Ah Ku Tagay Caasimada Dalka Itoopiya Ee Addis Ababa, Iyada Oo Qayb Ka Ah Soo Afjarida Jahwareer Colaadeed Oo Mudo U Dhaxaysay Waddankiisa Iyo Itoobiya.

Booqashadan Ayaa Naqonaysa Tii Ugu Horraysay 20-Kii Sano Ee La Soo Dhaafay Iyada Oo Daba Socotay, Toddobaad Ka Dib Markii Ra’Iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Uu Booqday Caasimadda Eritrea, Asmara.

Heshiis Ay Labada Dal Ku Kala Saxiixay Asmara Ayaa Si Rasmi Ah Usoo Afjaraysa Iskahorimaad Socday Muddo Ka Badan Labaatan Sano.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga