Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia Prof Maxamed Cismaan Jawaari Oo Shir Jaraa’Id Ku Qabtay Xafiiskiisa Ayaa Sheegay In Madaxweyne Farmaajo Uu Ku Guuldareystay In Uu Dhaxdhaxaadiyo Dhinacyada Uu Khilaafku U Dhaxeeyo Ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari Ayaa Sheegay In Halkii Uu Ka Filayay Madaxweynaha In Uu Arintan Usoo Dhaxgalay Qaab Odeytinimo Ah Uu Isaga Ka Dalbaday In Uu Is Casilo,

Madaxweyne Farmaajo Ayuu Ku Eedeeyay Prof Jawaari In Uusan Dhaxdhaaxaad Ka Aheyn Khilaafka U Dhaxeeya Labada Dhinac, Isaga Oo Sheegay In Uu Fasaxay Qabashada Kulanka Maalinta Berri Ah, Halkii Loo Baahnaa In Uu Ku Soo Afjaro Khilaafka Labada Garab Muddo 10 Cisho Ah.

Shirka Jaraa’Id Ee Guddoomiye Jawaari Ayaa Muujinaya In Ay Meesha Baxday Waan-Waantii Madaxweyne Farmaajo Uu Ka Dhax Waday Dhinacyada Iska Soo Horjeeda Ee Golaha Shacabka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga