Cumar xasan albashiir madaxweynaha dalka sudan ayaa gaadhay magaalada dimishiq ee caasimada dalka suuriya, isagoo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee carbeed ee booqda dalkan colaaduhu baabiyeen tan iyo markii dagaalka sokeeye ka qarxay sanadkii 2011.

Wakaalada wararka suuriya ee sana ayaa ku warantay in maalinta oo isniina uu albashiir kasoo dagay garoonka magaalada caasimada ah ee dimishiq, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay madaxweyne bashaar al-asad kahor intaanay u gudbin xarunta madaxtooyada.

Labada hogaamiye waxay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo dhibaatooyinka tirada badan ee ku gedaaman wadamo badan oo carbeed, sida ay ku warantay maaxtooyada suuriya.

Sawiro ay sii daysay wakaalada wararka ee sana ayaa lagu arkayay labadda madaxweyne oo isku gacan qaadaya madaarka, iyadoo ay ka danbayso diyaarad ruushka laga leeyahay oo siday madaxweyne albashiir. Ruushka, ayaa ah xulafo muhiim u ah dawladda bashaar alasad, isagoo saldhig milatari kasiiyay duleedka magaalda latakiya.

Madaxweyne cumar xasan albashiir ayaa tibaaxay in suuriya ay dhawaan soo laaban doonto, isla markaana kasoo kabandoonto colaadaha ka socda mudada ka badan 8-da sanno. Albashiir ayaa intaa kusii daray in dawladiisu ay diyaar u tahay in taageero kasta oo ay awoodo ay isla garabtaagayso suuriya.

Dhankiisa madaweyne asad ayaa uga mahadnaqay booqashada uu ku yimi dalka suuriya,isagoo intaa sii raaciyay in booqashadani ay xoojinayso in xidhiidhkii labada dal uu sidiisii kusoo laabto dagaalka ka hor, sida ay markale ku warantay wakaalada sana.

Wali, si rasmi ah looma shaacin sababta ka danbaysa booqashada madxweyne cumar albashiir.

Dawladaha carabta ayaa suuriya kasaaray ururka ay ku midaysanyihiin markii uu dagaalka suuriya qarxay, iyagoo cunaqabatayn kusoo rogay xukuumada dimishiq ee uu hogaamiyo bashaar alasad oo ay ku eedeeyeen in uu xoog u adeegsanayo shacabka isla markaana uu ku guuldaraystay in uu heshiis la gaadho kooxaha mucaaaridka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga