Ugu Horayn Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Jahliyada Somalilad Ee Ku Dhaqan Dalka Isutaga Imaraatka Carabta Uga Bahad Celiyay Soodhawaynta Ay U Sameeyeen Isaga Iyo Waftiga Uu Hogaaminaayay Ee Ku Suganaa Dalka Isutaga Imaraatka Carabta

Madaxwaynaha Ayaa Sheegay In Shacabka Somaliland Kasoo Bugsaday Xanaftii Doorashada Balse Ay Xukuumadiisu La Kulantay Jahwareer Siyaasadeed Oo Ka Aloosan Geeska Africa Iyo Mandaqada Beriga Dhaxe Oo Aw Sheegay In Somaliland aad Isugu Xidhan Yihiin,

Dhanka Kale Madaxwayne Muuse Biixi Waxa Uu Ka Hadlay Sababaha Somaliland Ku Kalifay In Ay Dawladda Qatar Xidhiidhka U Jarto Wakhtigii Khilaafku Soo Kala Dhexgalay Qaar Kamida Wadamada Carabta ,Isaga Oo Sheegay In Ay Dawladdaha Sacuudiga Iyo Imaraatka Xidhiidh Wanaagsani Ka Dhaxeeyo Balse aanay Somaliland Wax Dan Ah Ku Qabin Dawladda Qatar,

Madaxwayne Muuse Biixi Mar Uu Ka Hadlaayay Shirkadda Dp World Waxa Uu Sheegay In Shirakadda Dp World Ay Shirkado Badan Kaga Guulaysatay In Ay Maalgaliso Dekadda Berbere,

Madaxwaynaha Somaliland Mar Uu Hadalo Jawaaba Siiyay Madaxda Dawlada Somalia Waxa Uu Sheegay In Ay Is Waydiinayaan Somalia Halka Ay La Tagayso Sharciyadii Dekada Berbera Ee Ay Ansixiyeen Baarlamaanka Somalia Iyo Golaha Aqalka Sare,Waxa Kale Oo Uu Intaas Ku Daray In Madaxda Somalia Ay Ilawsan-Yihiin Dhibtii Iyo Gafkii Ay Ka Galeen Somaliland 27-Kii Sano Ee Ugu Danbeeyay,

Ugu Danbaytii Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Ka Warbixiyay Kulamo Ay La Qateen Madaxda Ugu Saraysa Dalka Imaraatka Carabta Waxaana Uu Sheegay In Ay Dawlada Imaraatka Ka Dalbadeen In Ay Aqoonsadaan Basaboorka Somaliland,Iyo Waliba In Dawlada Imaraatku Ergo Uga Naqoto Sacuudiga Sidii Xoolaha Somaliland Loogu Iib Gayn Lahaa Suuqyada Dalka Sacuudiga,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga