Madaxweynaha deegaanka soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa lagu wadaa in uu maalinta khamiista ah ee todobaadkan dhamaadkiisa uu safar shaqo ku yimaado Somaliland.

Masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda deegaanka soomaalida oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa u sheegay telefishanka  Saab in safarkani uu yahay mid shaqo isla markaana ujeedadiisu ay tahay sidii uu uga qayb geli lahaa dhagax dhiga wadada isku xidhaysa Berbera iyo wajaale.

Dhismaha wadadan oo uu madaxweyne muuse Biixi cabdi dhawaan cadeeyay in khamiista la dhagax dhigi doono.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo meel fagaare ah kala hadlayay dadweyne ku soo dhaweeyay Magaaladda Boorama ayaa sheegay in la dhagax dhigi doono Dhismaha Wadada Berbera iyo wajaale isku xidhaysa.

Safarkan uu madaxweynaha deegaanka soomaalida Ethiopia uu ku imananayo somaliland ayaa la sheegay in uu yahay mid uu ku soo wakiishay Ra’iisal wasaaraha Ethiopia abiy Ahmed Cali, waxaana uu noqonayaa kii labaad ee uu ku yimaado somaliland Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, ka dib markii laba bilood ka hor ay magaaladda wajaale  ku kulmeen madaxweyne muuse biixi cabdi iyo madaxweyneha deegaanka soomaalidu.a

Dhismaha waddadan isku xidhaysa Magaalooyinka Berbera iyo wajaale ayaa isku xidhaya Somaliland iyo Ethiopia, waxaana ay ku jirtay heshiiska dekeda berbera ee ay wada galeen somaliland iyo Dp World.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga