Hogaamiyeyaasha Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Kusii Jeeda Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya Halkaas oo ay Kula Kumi Doonaan Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhurru Kenyatta.

Hogaamiyeyaasha Sadexda Dal ayaa La Filayaa in Magaaladda Nariobi uu ku Dhex Maro Kulan Saddex Geesood ah Kaas oo Lagaga Hadlayo Xoojinta Xidhiidhka Mandaqadda Geeska Africa.

War Lagu Daabacay Bogga Twitterka ee Ra’iisul Wasaraaha Itoobiya ayaa Lagu Sheegay in Kulanka Nariobi ka Dhici Doonaa uu Dhexdhexaadin u Noqdo Khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo Kala Dhex Galay Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Khilaafkan xalka loo raadlinayo ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka danbeeyay ka dib markii uu in muddo ah taagnaa muranka dhinaca bada ee labadaasi wadan u dhaxeeya.

In kasta oo ay maxakamadda cadaalada aduunku weli kiiskaasi gacanta ku hayso, hadana labada dal ayaa dhawaan kala qaatay safiiradii u kala joogay muqdisho iyo Nairobi.

Si kastaba ha ahaatee kulankan saddex geesoodka ah ayaa si weyn isha loogu hayaa waxa ka soo bixi doonaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga