Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto soo Saaray Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumdiisa.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Waxa uu Xilalkii ay Hayeen Ka Qaday Wakiilo iyo Wakiil Kuxigeeno Somaliland u Fadhiyey Dalalka Shiinaha iyo Itoobiya.

Madaxwaynaha Somaliland Waxa uu Xilkii Ka Qaaaday safiirkii Somaliland u Dadhiyey Dalka Shiinaha Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste) isagoo Madaxwayne muuse biixi Cawil Ibraahim Cali u Magacaabay Wakiilka Xafiiska Ganacsi Somaliland ee Dalka Shiinaha.

“Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka,” ayaa Lagu yidhi Qoraal Lagu Daabacay Bogga Xafiiska Afhayeenka Madaxwaynaha Somaliland.

Sidoo Kale madaxwaynaha somaliland waxa uu Xilal Cusub u Magacaabay Maxamuud Xaamud Cumar oo noqonaya Guddoomiyaha Gobolka Badhan iyo Sidoo kale Cabdiraxmaan Axmed Muuse oo noqonaya Kuxigeenka Guddoomiye Gobolka Badhan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga