Madaxwayne Muuse Biixi: Sawirkii aannu Wada Galnay Qolada Koonfurta,
Waxaan aad iyo aad ugu Mahadnaqayaa Shacabka Reer Somaliland….

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa markii ugu horraysay kahadlay sawir aad iyo aad ugu dhex baahay baraha bulshada, kaasoo ay wada galeen wasiirro kasocda dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxwayne Muuse ayaa yidhi: ‘’Sawirkii aannu wada galnay qolada koonfurta, waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa shacabiga Somaliland oo dhan, sida feejigan, xamaasadda leh, dhiifoon, dal jacaylka ah ee waxa ay qoonsadaan uga jawaabaan, aad baan usoo dhaweeyay, xamaasaddii iyo sida ay arrintaa u dareemeen, waxay kutusaysaa qaran jacaylkooda, dhiirrigelin bay kusiinaysaa, kalsooni bay kusiinaysaa inay umaddu dagaalka iyo qaranka u wada siman tahay oo ay meel kawada eegayso’’

Madaxwayne Muuse, oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay inuu yahay nin dhaliisha aad u ogol oo aan ka xanaaqin marka la dhaliilo, waayo buu yidhi afartan sanno ayaan mucaarad soo ahaa Halkan hoose ka daawo muuqaalka Madaxwaynaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga