Madaxwaynaha somaliland mudane muuse biixi cabdi ayaa daahfuray Nidaamka casriyeynta Caasimadda Hargeysa nidaamkan oo loo yaqaan (GIS).

munaasibadda lagu soo bandhigayey mashruucani ayaa ka qabsoontay xarunta dawlada hoose ee magaalada hargeysa.

waxaana munaasibaddaasi kasoo qaybgalay masuuliyiin kale duwan oo ka socda xukuumadda somaliland, Waxaana ugu horeynba mashruucani faahfaahin ka bixiyey Maayirka caasimadda hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, isagoo tilmaamay hadii mashruucani lagu guuleysto uu noqon doono mid ay hargeysi kula tartami karto caasimadaha dunida.

Madaxwaynaha somaliland ayaa ku hambalyeeyey dawladda hoose ee hargeysa in ay soo bandhigaan nidaamka cusub ee lagu horumarinayo caasimadda dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga