Madaxwaynaha Dalka Faransiiska Emanual Macron ayaa Safar Ku Jooga Magaaladda Jabuuti ee Caasimadda Waddank Jabuuti.

Madaxwyne Emanual Macron ayaa Xalay Goor Danbe Soo Gaadhay Waddanka Jabuuti Waxaana Gagidda Diyaaradaha Kusoo Dhaweeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaciil Cumar Geele.

Labadda Madaxwayne oo Maanta Kulan Ku yeeshay Xarunta Madaxtooyadda Waddanka Jabuuti ayaa Ka Wadda Hadlay Sidii Labadda Dal iskaga Kaashan Lahaayeen Dhinacyadda Amaanka,  Dhaqaalaha iyo Shirkad Abuurka.

Booqashadda Madaxwaynaha Faransiiska ee Jabuuti ayaa Kusoo Beegmaysa Xili aanu Jabuuti Muddo Dheer Imanin Madaxwayne Ka Socda Waddanka Faransiiska, Iyadoo Waliba Waayadan Danbe uu aad u Xumaa Xidhiidhka Dalalka Faransiiska iyo Jabuuti.

Madaxwaynaha Faransiiska  Emanual Macron ayaa la sheegay in Safarkiisa Jabuuti uu Xidhiidh La Yahay Safar uu Ku Mari Doono Dalal Badan oo Ku yaala Qaaradda Africa, Iyadoo La Filayo in uu Maanta Safar ugu Ambabaxo Magaaladda Adis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga