Iyadoo lagu wado in doorashada madaxtinimda ee jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee koongo ay qabsoonto dhamaadka bishan aynu ku jirno ee december, ayuu madaxweyne joseph kapila ku dhawaaqay in aanu mar danbe xilka iskudoo taagi doonin.

Doorashadan maaxtinimada ayaa lagu wadaa in ay noqoto tii ugu horaysay ee noceeda ah oo ka dhacda dalkan ku yaala badhtamaha qaarada afrika, iyadoo la filayo in si nabad ah uu madaxweyne kapila u wareeejin doono xafiiska.

Madaxweyne joseph kapila oo mudo kabadana17-sanno xukumayay dalka koongo ayaa ka yaabiyay indhaha bulshada caalamka, kadib markii uu si lama filaan ah u shaaciyay in uu xilka ka dagi doono, xili la saadaalinayay in uu mar kale iskusoo taagi doono doorashada madaxtinimada.

Kapila ayaa mudadii uu xukumayay jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee koongo loosoo jeedin jiray eedaymo badan oo uu ugu horeeyo musuq-maasuqa baahsan iyo in ay xukuumaddiisu ku tacadiday xuquuqda aadamaha, kapila ayaa dhammaan eedaymaha beeniyay.

Waraysi uu siiyay bbc-da ayuu madaxweyne jseph kapila ku sheegay in aanu wax door ah ku yeelan doonin dawladda cusub ee la doorto doorashada kadib.

Madaxweyne joseph kabila oo ah madaxweynihii afraad ee soo mara dalka koongo ayaa tan iyo sanadkii 2001 -dii u talinayay dadka reer kooongo, kadib geeridii aabihii oo shirqool lagu dilay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga