Madaxweynaha dalka algeria cabdu buuta ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu is casili doono 28ka bishan bilatay ee april, kadib todobaado ay dalkan ku yaala qaqooyiga qaarada afrika ay ka socdeen mudaharaado lagu diidanyahay maamulka madaxweyne buutafriiqa.

War kasoo baxay xafiiska madaxweynaha lagana baahiyay wakaalda wararka ee dawladda ee loo yaqaano aps ayaa lagu sheegay in amdaxweynhu uu mudadaa hadhay ka shaqayn doono sidii ay hayadaha dawladdu usii shaqayn lahayeen mudad kala guurka, iyadoo intaa lagu daray in gudaha bishan uu xafiiska banayn doono madaxweyne buutaf oo la ildaran xanuunka faaliga oo sanadihii ugu danbeeyay laga dabiibayay.

Malaayiin kamid ah shacabka dalka algeria ayaa todobadadii lasoo dhaafay usoo baxay banaanka iyagoo 82-ka cabdicaisi buutafri ka dalbanaya in uu xafiiska baneeyo. Kadib ku dhawaad 20 sanno oo uu kurisiga ku fadhiyay.

Mdaxweyne buutafriqa ayaa rabay in uu mar shanaad is sharaxo xili la sheegayo in aanu gudan karin waajibaadka maaxweynimo, taas oo dhalisay mudaharda lagu diidan yahay taladiisa.

Inkasta oo uu mdaxweynhu sheegay in uu iscasili doono hadana ardayda iyo shqaalaha dalkaas ayaa ku baaqay mudahardo kale oo isag ka dhan ah.

Cabdiaciis buutafri oo tan iyo sanadkii 2014kii aan la arag isagoo khudbad toos ah jeedinaya ayaa u muuqda in uu ka tanaasulay balanqadyo kale oo uu hore u sameeyay, isgaoo soo gaabiyay mudada uu xilka sii hayn doono.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga