Xoghayaha guud ee QM ayaa ku booriyay xubnaha Golaha Amniga in ay “joojiyaan dhibaatooyinka Ka Socda Beriga Quuta”

Sidoo kale Xogheyaha Qaramada Midoobay Ee Maraykanka Niki Helley ayaa Ku Eedaysay ciidamada Suuriya iyo Ruushku in ay iska indha tirayaan xabbad joojin 30 Maalmood Ah.

in ka badan 1,022 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarradii xukuumadda Ruushka ay taageeraysay saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, Sida Sheegen Kormeerayaal Caalami Ahi.

“Waxaan si qoto dheer uga niyad jabsanahay Dhibaatooyinka Coladeed Ee Ka Socda Beriga Quuta Kuwaas Oo Lagu Bartilmameed Sanayo Dadka Rayidka Ah. Cid Walba Oo Ku gacan-leh Dhibaatooyinkaasi waxaan Ka Codsanaynaa In ay ogolaaday in ay dhacdo Xabad Joojin 30 Maamlmood Ah Si Loo Gaadhsiiyo Dadka Rayidka Ah Gargaarka Bina-aadanimada, Xogheyaha Qaramada Midoobay ayaa ka sheegay xarunta UN-ka ee New York.

“Waa in aynu lahaano hal ajende oo kaliya dhamaanteen kaas oo ah: in la joojiyo dhibaatooyinka haysta dadka reer Suuriya iyo in xal siyaasadeed loo helo khilaafka.

Xallinta ayaa ku baaqday xabbad joojin deg-deg ah, daadgureynta dadka rayidka ah, iyo bixinta sahayda gargaarka.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Nikki Hailey ayaa cambaarysay guul darradii lagu hirgeliyay qaraarkii Xabad Joojinta Ahaa,

“Ma ahan waddada aan doorbidi karno, laakiin waa waddo aan muujinnay inaan qaadan doono, waxaana diyaar u nahay inaan mar kale qaadno,” ayuu Haley u sheegay 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka.

Danjiraha Ruushka Ee Qaramada Midoobay Vassily Nebenzya Ayaa isna u sheegay golaha in xukuumadda Siiriya ay “xaq u leedahay in ay iska Difaacdo oo ay ka saarto khatarta nabdoonaanta muwaadiniinteeda”.

Waxa uu ku tilmaamay xaafadda Dimishiq argagixiso”

Burburkii ka yimid militariga ayaa sii xumeeyay dhibaatada bani’aadanimo ee horey u haysatay, iyadoo in ka badan 1,000 qof ay u baahanyihiin gargaar degdeg ah.

Toddobaadkii la soo dhaafay – iyada oo ay jiraan wadaxaajoodyo u dhexeeya kooxaha mucaaradka ah iyo xukuumadda Suuriya – tiro dagaalyahanno ah iyo qoysaskooda ayaa laga soo daadgureeyay qaybo kamida beriga quuta.

Madaxweyne Bashar al-Assad ayaa wacad ku maray in uu sii wadi doono weerarka illaa iyo inta dhamaan mucaraadka laga saarayo waddanka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga