Illaa 3 qof oo shqaale ciraqiyiin ah ayaa ku dhaawacmay gantaal lagu tuuray aag ay deegenyihiin kambaniyo badan oo ka shaqeeya saliida dalka ciraaq.

Gantaalka ayaa ku dhacay aaga burjesia oo ku yaala galbeedka magaalada masra ee dalka ciraaq, halkaas oo hoy u ah kambaniyada ka shaqeeya saliida lagasoo saaro gobolka.

Shirkadaha deggen waxa ka mid ah shirkaddaha wayn ee exxonmobil, royal dutch shell, oo maraykanka laga leeyahay iyo shirkadda eni spa oo laga leeyahay dalka talyaaniga.

Weerarka gantaalkan ayaa imanaya xili xiisadda gobolka bariga dhexe ay aad u cakirantahay. Isla markaana ay isku hayaan wadamada maraykanka iyo iran.

Warbaahinta aljazeera ayaa ku warantay in shirkadaha ameerikaanku ay aaga ka daadgureeyeen shaqaale tiro badan oo ajaanib ah, iyadoo feejignaantana kor loo qaaday.

Aaga uu weerarku ka dhacay ayaa ku dhaw xadka ay wadaagaan wadamda ciraaq iyo iran. Iran waxa uu maraykanku hore ugu eedeeyay maraakiibtii lagu weeraray biyaha khaliijka carabta. Halka shirkadahan imika la weeraryna laga leeyahay maraykanka.

Iran waxay hore iskaga fogaysay weerarda lagu eedeeyay, iyadoo xustay in lagu xumaynayo xidhiidhka ay la leedahay dawladaha caalamka.

Weerarada boilihii danbe ka dhacayay gobolka bariga dhexe oo aan si cad loo ogayn cidda ka danbaysa, ayaa u muuqda qaar lagu beegsanayo saliida wadmada qaar. Hore waxa loo weeraray marakiib saliida xambaarta oo ay leeyihiin dawladaha sucuudiga, imaaraadka iyo japan oo ku sugnaa biyaha khaliijka carabta.

Iran waxay hore u sheegtay in ay beegsandoonto maraakiibta isticmaasha gacanka bersia, maadaama iyada uu us kusoo rogay cunaqabtayn.

Maraykanku wuxuu xoojiyay ciidadmadiisa ku sugan gobolka, iranna waxay dib usoo celinaysaa horumarinta barnaamijkeeda nukliyeerka, iyadoo aan laogayn halka ay wax ku danbayn doonaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga