Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargaysa waxay si aan kala sooc lahayn u beegsadeen Ganacsatadda Yar-yar iyo Bacad-yaalka Suuqa Waaheen,waxaanay Masuuliyiinta Dawladda Hoose talaabadan ku sababeeyeen In shacabkaasi ku ganacsanyeen goobo aan sharci ahaan banaanayn in lagu ganacsado.

Waxa la arkayay meherado badan oo adduun badani dhex-yaalo oo qaarkood aanay dadkii lahaa soo gaadhin in dhulka cagaftu jiidaysay.

Dadka uu saameeyay hawl-galkani,waxay  sheegeen in aanay jirin wax ogaysiin ah oo ay maamulka dawladda hoose siiyeen si ay uga tabaabushaystaan,ka hor inta aanay qaadin Talaabo noocan ah.

Dadweynuhu waxay sheegeen in Hawl-galkaas uu ka dhalan gaadhay dab xoogan oo uu geysan lahaa khasaare balaadhan,maadaama meherado ay “haamo gaas” yaaleen la bur-buriyay.

Waxa xusid mudan in marka horeba ogolaansha dhismahayaashan lagu dhiso ay bixiso Dawladda Hoose,Isla-markaasna ay “cashuur-joogto” ah ka qaado ganacsatadan,waxaanay dad badan is-weydiinayaan siday isu qabanayso sharci-nimadda lacagta lagaga qaado ganacsatadda iyo sharciga marka danbe loo adeegsado bur-burintooda, waxaanay dadkani taws iyo tabaalo ku qabaan shaqaalaaha aan u carbisanyan la-dhaqanka dadweynaha bacad-yaalka ah.

SHACABKA HARGEISA IYO DAWLADDA HOOSE.

Shacabka magaalada Hargeisa ayaa maalmihii ugu danbeeyay “‘baraha bulshada” ku dhaliilayay golaha deegaanka ee magaalada Hargeisa oo ay ku tilmaameen gole “fadhiid” ah oo aan daboolin baahiyaha magaalada ee la xidhiidha shaqadooda.

Waddooyinka magaalada ayaa burbursan, iyadoo xashiishka iyo qashinkuna uu tuulanyahay meelo badan oo ka mid ah magaalada oo ah ‘magaalo-madaxda’ Somaliland.

Maamulka dawladda hoose ayaa dhawaan soo saaray qorshe ay wadooyinka burbursan ee magaalada ugu magac darayaan qaar ka mid ah saxaabadii Rasuulka SCW , taas oo dad badan ka cadhaysiisay.

Dad badan oo ka biyo-diidsanaa shaqada dawladda hoose ee Hargeisa ayaa hawl-galka saaka ku tilmaamay mid ‘tacaddi’ ku ah dadka danyarta ah, maadaama oo aanu jirin qorshe sugan oo ay dawladda hoose ugu talo gashay kor-u-qaadista bilicda magaalada, isla markaana aanu jirin qorshe fulay oo uu golahan muddadiisu dhamaatay wax kaga qabanayo baahiyaha tirada badan ee magaalada ka jira.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga