Kooxda Liverpool ayaa xalay 4-0 ku garaacday kooxda Red Star Belgrade. Laba ka mid ah goolasha waxaa dhaliyay Mohamed Salah oo hadda noqday laacibkii ugu horreeyay ee muddo gaaban gudaheed Liverpool ugu dhaliya 50 gool.

Salah ayaa Liverpool u ciyaaray 64 kulan oo Kaliya tan iyo marki uu uga yimid kooxda Roma sannadki 2017-kii.

Ciyaarihii kale ee shalay dhacay Borussia Dortmund ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Atletico Madrid oo ay ku Garaacday 4-0 ciyaar ka tirsaneyd Group-ka A.

Goolasha waxaa Dortmund u kala dhaliyay Axel Witsel, Jadon Sancho iyo Raphael Guarrero oo keenay laba gool kaddib marki uu beddel kusoo galay.
Club Brugge iyo Monaco waxay kala qeybsadeen bareejo 1 – 1 ah.

Qeybta D kooxda FC Porto ayaa 3-1 ku dhirbaaxday Lokomotiv Moscow halka Galatasaray iyo Schalke ay isku mari waayeen 0 – 0.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga