Liverpool ayaa raadineysa inay ku guuleysato horyaalkeedii lixaad ee finalka UEFA Champions League taas oo ay garoonka Atlético Madrid caawa kula ciyaari doonaan Tottenham Hotspur.

Labada kooxood ayey Kala taageerayaan Dad Lagu Qiyaasay 17,000-Milyan oo Ruux oo taageerayaal ah, sida laga soo xigtay UEFA.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Liverpool ayaa guuldarro 3-0 ah kagasoo Cabtay Kooxda Barcelona kulankii semi-finalka, waxaana ay gaadheen wareega labaad ee sannadkan.

“Sannadkan waxaan bartay wax badan,” tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay Maalintii Jimcihii, Sidoo Kale Waxa uu ku Nuuxnuux Saday Marxaladihii ay Kooxdiisu Soo Mareen Sanadihii ugu Danbeeyay isagoo ugu Danbytiina Fursad aad Muhiim ugu ah Ku Tilmaamay horumarka iyo Guusha ay Sanadkan Kusoo Gaadheen, finalka Champions League.

Atlético Madrid ayaa Garoonkeeda Ku marti gelin doonta Ciyaartan aadka u Xiisaha Badan ee ay Labadda Koxood ugu Hirdamayaan Koobka UEFA Champions League iyadoo afartii kulan ee ugu Danbeeyayna Lagu ciyaaray garoonka Santiago Bernabeu Stadium ee Real Madrid.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa ku soo laaban doonta line-upka weeraryahankooda Mohamed Salah, kaasoo seegay lugta labaad ee semi-finalka Sababo La Xidhiidha Dhaawac soo Gaadhay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan fursad u heysto inaan ciyaaro finalka kale,” ayuu Mohamed Salah u sheegay wargeyska Guardian. “Waxaan rajeynayaa inaan ciyaarta ku Dhamaysan Doono kulanka oo dhan,” ayuu Hadalkiisa sii Raaciyey Weerar Yahanka Reer Masar ee Mohamed Salah.

Mar la weydiiyay haddii uu Mar Ku Riyooday in uu Guul Kaasoo Hoyn Doono Koobkan, wuxuu ku jawaabay: “Runtii ma riyoonayo, waxaan rajeynayaa inay noqoto mid run ah.

Tabaraha Kooxda Liverpool Klopp ayaa sheegay in weeraryahanka reer Brazil Roberto Firmino uu dib ugasoo kabsanayo Dhaawacyo soo Gaadhay, laakiin ma uusan sheegin in uu Ciyaari Doono iyo In Kale.

Labadda kooxood oo Labaduba Kasoo Jeeda Ingiriiska ayaa soo cusbooneysiin doona xafiiltankood.

Kulankoodii Yurub ee taariikhda ahaa ee ay Wadda Ciyaareen ayaa ahaa 1973-dii semi-finalka Kaas oo haatan la yidhaahdo UEFA Europa League.

Finalkii koobkii ugu danbeeyay ee Ingriiska ee Champions League ayaa dhacay sanadkii 2008 markii Manchester United ay garaacday Chelsea .

Waxay aheyd sannadkii ugu dambeeyay tartamada yurub, iyadoo dhamaan afarta kooxood ee Champions League iyo Europa League ay ciyaarayaan Premier League.

Ciyaartan Caawa Dhici Doonto ee Champions League ayaa noqon doonta Mid taariikhi ah oo xiiso leh, iyadoo ay Koox Waliba sii Qorshaysatay in ay Hanan Doonto Guusha Koobka Champions League ee Sanadkan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga